Waa maxay COVID-KA Raaga?
COVID-KA Raaga wuxuu imaan karaa kadib marka qofka uu ku dhaco COVID-19. Waa cudur daba dheeraada, taasoo macnaheedu tahay inuu wakhti dheer sii jiro, iyo/ama imaan karo oo uuna muddo maqnaan karo. Waxaa mararka qaar loogu yeeraa “xanuunka ka dambeeya COVID”, “xaaladda ka dambaysa COVID-19 (PCC)” ama “COVID-ka daba dheer”.
COVID-KA Raaga waa walaac caafimaad dadweyne oo halis ah kaasoo saameeyay malaayiin ka mid ah dadka waaweyn iyo carruurta Maraykanka. Astaamuhu waxay u kala dhaxayn karaan kuwo khafiif ah ilaa kuwo daran waxayna jiri karaan ugu yaraan saddex bilood. Xaaladaha qaarkood, COVID-ka Raaga waxa uu sababi karaa naafo.
Wali wax badan lagama yaqaan caabuqa COVID-ka Raaga sababtoo ah waa xaalad cusub. Fayraska SARS-CoV-2 ee sababa COVID-19 waxaa markii ugu horraysay la ogaaday sanadkii 2019. Waxaan sii wadaynaa inaan wax kasii barano inta cilmi baarista ay ku socoto.
Astaamaha Caabuqa COVID-KA Raaga
Calaamadaha COVID-KA Raaga waxay jiri karaan bilo ama sanado kadib caabuqa COVID-19. Astaamuhu waa ay ku kala duwan yihiin qof ilaa qofka kale waana ay adkaan kartaa in la garto ama la ogaado.
Marka loo eego Center for Disease Control and Prevention (CDC, Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada), waxaa jira in ka badan 200 oo astaamo oo COVID-ka Raaga ah. Astaamuhu waa ay ka sii dari karaan dadaal jireed ama maskaxeed marka lagu bixiyo.Astaamaha ugu badan waxaa ka mid ah:
- Daal Saameyn ku yeesha nolol maalmeedka
- Dareemidda caafimaad-darro guud (qaab ay adag tahay in la qeexo) dadaal jireed ama maskaxeed ka dib.
- Adkaanta fakaridda ama in diiradda wax la saaro, oo sidoo kale loo yaqaano "humaagga maskaxda"
- Qandho
- Neefta oo adkaata
- Qufac
- Shaf xanuun
- Garaaca degdegga ah ee wadnaha (wadne garaac)
- Isbeddel ku yimaada urka iyo/ama dhadhanka
- Madax-xanuun
- Dhibaatooyin xagga hurdada ah
- Welwel ama walbahaar
- Dawakhaad marka aad istaagto
- Kala-goysyo xanuun ama murqo xanuun
- Dareemidda in qodxo iyo cirbado lagugu mudayo
- Calool xanuun
- Shuban
- Calool istaag
- Finan
- Caado wareerka dumarka
Yaa uu ku dhici karaa COVID-KA Raaga?
Qofkasta oo uu ku dhacay COVID-19 ayaa uu ku dhici karaa COVID-KA Raaga, xitaa haddii aysan yeelan astaamo markii ay qabeen COVID-19. Dadka uu ku dhaco COVID-19 in ka badan halmar waxay khatar ugu jiraan inay COVID-KA Raaga ka qaadaan caabuq kasta.
Sida laga soo xigtay cilmi baaris la daabacay bishi Juun 2024, waxaa lagu qiyaasaa in 6.4% ka mid ah dadka waaweyn ee Washington ay la il darnaayeen COVID-KA Raaga laga soo bilaabo Oktoobar 2023, iyadoo 117,000 lagu qiyaasay inay soo wajahday xaddidaadyo hawleed oo weyn. Cilmi baaristaan waxaa sidoo kale lagu ogaaday in heerarka COVID-KA Raaga ay ugu sarreeyeen bartamaha iyo bariga Washington waqtigan. Boqolkiiba dadka waaweyn ee Washington ee qaba COVID-KA Raaga waxaa si joogta ah u qiyaasa Household Pulse Survey (Sahanka LA Socodka Qoysaska).
CDC waxay sheegtay in dadka ay u badan tahay inuu ku dhaco COVID-KA Raaga ay ka mid yihiin:
- Haweenka.
- Dadka Waayeellada ah.
- Dadka qaba xaalado caafimaad oo hoose.
- Dadka Isbaanishka iyo Laatiinka.
- Dadka aad ula xanuunsaday ama isbitaal loo dhigay COVID-19.
- Dadka aan laga tallaalin COVID-19.
Dadka wajahaya sinnaan la'aanta caafimaadka waxay khatar weyn ugu jiri karaan inay saameyno xun ay ka soo gaarto COVID-KA Raaga. Sinnaan la'aanta caafimaadka waxay dhacdaa marka koox ka mid ah dadka ay lahaadaan natiijooyin caafimaad oo ka duwan kuwa kale arrin xagga nidaamka ah awgeed (saamayso nidaamka oo dhan), sababo laga fogaan karo oo aan loo qiil dayin.
Marka loo eego Office of the Assistant Secretary of Health (OASH, Xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Caafimaadka), kooxaha hela daryeelka yar ama la kulma ceebaynta (ceeb ama dambi) ee kala kulma nidaamka daryeelka caafimaadka waxay u badan tahay in aanay helin baaritaanka COVID-ka Raaga.
Waxaad ka akhrin kartaa xog badan oo ku saabsan sida OASH uu wax uga qabanayo kala duwanaanshaha COVID-KA Raaga halkan.
Kahortagista COVID-KA Raaga
Waxaad kaga hortagi kartaa COVID-ka raaga adiga oo aan qaadaynin COVID-19. Qabidda tallaaladii ugu danbeeysay ee COVID-19 ayaa ah difaacaaga ugu wanaagsan ee ka dhanka ah COVID-19.
Dadka tallaalka qaba ee hadana uu kudhacay caabuqa COVID-19 waxaa laga yaabaa inay yartahay halista ay ugu jiraan inuu kudhaco COVID-KA Raaga marka loo eego dadka aanan qabin tallaalka.
Hababka kale ee aad u adeegsan karto in aad uga hortagto caabuqa COVID-19 waxaa ka mid ah xirashada afxir, hagaajinta qulqulka iyo sifaynta hawada, si joogto ah ugu dhaqidda gacmahaaga saabuun iyo biyo, nadiifinta meelaha inta badan la taabto, kala fogaanshaha jireed, iyo iska baarista caabuqa.
Haddii aad qabto COVID-19, ka ilaali dadka kale in uu ku dhaco COVID-19 adigoo raacaya tilmaamahaan.
Ka ilaali naftaada COVID-KA raaga: Qaado tallaalka (Af-Ingiriisi) (PDF)
Wax ka ogoow iska tallaalida COVID-19
Ogaanshaha caabuqa COVID-KA Raaga
Waa ay adkaan kartaa in la ogaado caabuqa COVID-KA Raaga. Calaamadaha qaarkood waa ay adkaan kartaa in la fahmo. Hadda ma jiraan tijaabooyin sheybaar ama daraasad sawireed oo lagu ogaado COVID-KA Raaga. Tijaabooyinka caafimaad waxa ay muujin karaan natiijo ca
Dadka qaar ee soo sheega calaamadaha COVID-KA Raaga ma muujin calaamadaha caabuqa COVID-19. Lagama helin caabuqa COVID-19 markii ugu horeysay ee ay xanuunsadeen. Tani waxa ay adkaynaysaa in la xaqiijiyo in ay qabeen caabuqa COVID-19 waxayna adkayn kartaa ogaanshaha caabuqa. Waxay noqon kartaa mid waxtar leh la iska baaro COVID-19 marka ugu horreysa ee aad xanuunsato si aad hadhow uga caawiso ogaanshaha danbe ee caabuqa COVID-KA Raaga.
Liiska Hubinta Ballanta Daryeelka Caafimaadka COVID-KA Raaga (CDC) (Af-Ingiriisi)
Xaaladaha Caafimaad ee Cusub iyo kuwi Horay Usii Jiray
COVID-KA Raaga waxa uu saamayn karaa habab badan oo xubnaha jirka ah. Bukaanada ayaa muujin kara hal ama in ka badan oo ka mid ah xaaladaha lagu ogaan karo, sida: xaaladaha is-weeraridda difaaca jirka iyo myalgic encephalomyelitis/chronic fatigue syndrome (ME/CFS).
Arrintani waxa ay ka dhigan tahay in dadka uu ku dhacay caabuqa COVID-19 ay ku dhici karaan walaacyo caafimaad oo cusub sida cudurka macaanka ama xanuunada wadnaha. Xaaladihii caafimaad ee sii jiray sida cudurka macaanka iyo xanuunada wadnaha ayaa sidoo kale ka sii dari kara jirrada COVID-19 ka dib.
La noolaanshaha COVID-KA Raaga
Wali wax badan lagama oga sida lagu ogaado laguna daaweeyo COVID-KA Raaga. Qabidda COVID-KA Raaga ama taageerista qof qaba COVID-KA Raaga waxay noqon kartaa jahwareer. COVID-KA Raaga wuxuu ku soo bandhigi karaa astaamo kala duwan qof ilaa qofka kale. Astaamaha ayaa la maarayn karaa dadka qaar halka qaarka kalana ay ku keenaan naafo.
Xusuusnoow ma ahid kaligaa. Marka loo eego Center for Disease Control and Prevention (CDC), ku dhawaad 1 ka mid ah 4-ti qof ee weyn ee qabta COVID-KA Raaga waxay sheegeen inuu xaddido hawlo maalmeedkooda. Ku biirista koox taageero ah waxay kaa caawin kartaa fududaynta dareenka takoorka.
Xog badan ka ogoow:
- Wax ka akhri sheekooyinka dadka kale ee COVID-KA Raaga (storycorps.org) (Af-Ingiriisi)
- LongCOVIDFamilies.org (Af-Ingiriisi)
Weydiiso in wax laguu habeeyo. Wax habbeentu waa isbeddel loo sameeyay qof ama wax. Astaamaha ayaa adkayn kara ama aanay suurtagal u ahayn in dadku ay wax u qabtaan sidi ay wax u qaban jireen ka hor inta aanay xanuunsan. Hawlaha shaqada iyo dugsiga ayaa ay adkaan kartaa in la maareeyo. Loo shaqeeyayaasha iyo dugsiyada ayaa masuul ka noqon kara in ay si macquul ah ay wax ugu habeeyaan astaamahaaga.
Ka eeg ‘COVID-KA Raaga iyo Xuquuqda Naafada’ xagga hoose.
Xog badan ka ogoow:
- Liiska Kheyraadka ee ka socda Maamulka Noolaanshaha Bulshada (Af-Ingiriisi)
- Wax Habaynta Dugsiga (Qoysaska qaba COVID-KA Raaga)
Maaree tamartaada. Astaan inta badan la arko waa dareemidda daal badan, gaar ahaan culays maskaxeed ama jireed kadib. Ku dadaal in aad tamartaada keydsato iyo in aad qaadato nasiinooyin joogta ah maalinta oo dhan.
Ka baro waxbadan oo ku saabsan 4-ta P ee lagu maareeyo tamartaada marka aad qabto COVID-KA Raaga halkan: 120-066 - Boorka "4-ta P" ee COVID-KA Raaga - 8.5x11 - Juun 2023 (wa.gov) (Af-Ingiriisi)
COVID-KA Raaga iyo Xuquuqda Naafada
COVID-KA Raaga waxa uu sababi karaa naafonimo jireed iyo mid maskaxeed. Waxa uuna noqon karaa naafonimo marka loo eego Americans with Disabilities Act (ADA, Xeerka Ameerikaanka Naafada ah). Dadka la il-daran caabuqa COVID-KA Raaga waxaa si sharci ah looga ilaalin karaa takoorka naafonimada ku saleysan.Waxaa laga yaabaa inay xaq u yeeshaan in wax habayn macquul ah loogu sameeyo ganacsiyada, gobolka iyo dawladaha hoose.
Tilmaanta ku saabsan “COVID-KA Raaga” ka Naafanimo ahaan sida hoos timaada ADA (Af-Ingiriisi)
COVID-KA Raaga iyo Uurka
Haweenka uurka leh ama dhawaan uurka yeeshay waxay u badan yihiin inay aad ula xanuunsadaan caabuqa COVID-19. COVID-19 wuxuu sababi karaa dhibaatooyin saameeya uurka iyo dhallaanka soo korayaaya. Waxaa badbaado u ah oo lagula talinayaa haweenka xaamilada ah ama naasnuujinaya in laga tallaalo COVID-19.
Haweenka xaamilada ah waxaa ku dhici kara COVID-KA Raaga. Weli waxaa la wadaa daraasado ku saabsan saamaynta COVID-KA Raaga xilliga uurka iyo kadib.
COVID-KA Raaga iyo Dhallinyarada
Dhallinyarada ayaa sidoo kale la xanuunsan kara COVID-KA Raaga. Dhallinyarada marwalba daallan ama dhibka ku qaba in ay wax diiradda saaraan waxaa dhib ku noqon kara in ay ka qeybqaataan dugsiga iyo hawlaha kale. Carruurta yaryar waxaa laga yaabaa in aanay awoodi karin in ay si fiican u sharrraxaan astaamahooda.
Carruurta qabta COVID-KA Raaga ayaa uqalmi kara waxbarasho gaar ah, ilaalinno ama adeegyada la xariira sida hoos timaada labo Sharci oo federaalka ah.
Ka tallaalidda dhalinyarada caabuqa COVID-19 ayaa ah habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo caabuqa COVID-KA Raaga ee dhallinyarada. Wax badan ka baro tallaalada COVID-19 halkan.
Kheyraadka loogu talagalay Bulshada
- Aasaaska COVID-KA Raaga (CDC)
- La noolaanshaha COVID-KA Raaga (CDC)
- Ka ilaali naftaada COVID-KA Raaga: Qaado Tallaalka (PDF) (Af-Ingiriisi)
- Baxnaanada COVID kadib (UW Medicine) (Af-Ingiriisi)
Kheyraadka loogu talagalay Dhakhaatiirta iyo Caafimaadka Dadweynaha
- BOGSASHADA: Cilmi-baarista COVID si Kor Loogu Qaado Soo Kabashada (Af-Ingiriisi)
- Dulmarka Caafimaad ee COVID-KA Raaga (CDC) (Af-Ingiriisi)
- Sayniska CDC iyo Wajihidda Caafimaadka Dadweynaha ee COVID-KA Raaga (Af-Ingiriisi)
- Xog aruurinta La Socodka Qoyska ee COVID-KA Raaga (CDC) (Af-Ingiriisi)
- Siminaarka Oonlaynka ah ee Power of Providers (POP, Awooda Bixiyeyaasha) (Af-Ingiriisi)
- Qiyaasta Culayska iyo Baahsanaanta Xaaladda Ka Dambaysa COVID-19, Maarso 2020–Oktoobar 2023 (CDC) (Af-Ingiriisi)
- Qeexidda COVID-KA Raaga (2024) (National Academies of Sciences, Engineering, and Medicine) (Af-Ingiriisi)
- COVID-KA Raaga iyo Weynaanta Xaddidaada Waxqabasho ee La Xiriirta COVID-KA Raaga ee Dadka Waaweyn Dhexdooda, oo ay diyaarisay Jurisdiction — Maraykanka, 2023 (CDC) (Af-Ingiriisi)
Kheyraadka loogu talagalay Shuraakada
- Ka ilaali naftaada COVID-KA raaga: Qaado Tallaalka (Af-Ingiriisi) (PDF)
- 120-066 - Boorka "4-ta P" ee COVID-KA Raaga - 8.5x11 - Juun 2023 (wa.gov) (Af-Ingiriisi)
- Agabka Wada-XiriirkaAgabka Wada-Xiriirka (Af-Ingiriisi iyo Af-Isbaanish) ka socdo California Department of Public Health (Waaxda Caafimaadka Dadweynaha ee California). Waxaa ka mid ah sawirrada baraha bulshada.